Fana: At a Speed of Life!

Guddiga Joogtada ah ee ilaaalinta caddaalada iyo Arrimaha Dimuquraadiga ee Golaha Shacabka oo kulan wadatashi ah la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada si ay qayb uga noqdaaan ​​hindise sharciyeedka dhismaha guddiga wada tashiga Qaran

Addis Ababa,DEC 22,2021 (Tihsas 13,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Guddiga Joogtada ah ee ilaaalinta caddaalada iyo Arrimaha Dimuquraadiga ee Golaha Shacabka JDFI ayaa kulan wadatashi ah la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada si ay uga qayb uga noqdaan ​​hindise sharciyeedka dhismaha guddiga wada tashiga qaran.

Shirkan wadatashiga ah ayaa waxaa ka soo qayb galay gudiga doorashooyinka qaranka ee Itoobiya, gudiga xuquuqul insaanka Itoobiya, golaha isku dhafka xisbiyada siyaasadeed ee Itoobiya iyo ururo kaladuwan oo ka kala socday bulshada rayidka ah.

Waajibaadka ugu weyn ee guddigani ka midaysan yahay ayaa ah u gogol-xaadhidda curinta xeerar ka qaybqaadan kara wada-tashiga qaran, magacaabista daneeyayaasha ka qaybqaadanaya wada-tashiga qaran, isu-ururinta gogosha wada-tashiga laftooda, samaynta habab dhaqan-gelineed oo lagu soo jeedinayo talooyinka ka soo baxaya wada-tashiga qaran, ka dibna la dhaqangeliyo qorshayaasha fulineed.Qabyo-qoraalka xeerkan ayaa la filayaa in la meelmariyo toddobaadyada soo socda.

Geesta kale, Samaynta guddigan ayaa si lama huraan ah u furi doonta weji kale oo geedi socodka dimuqraadiyaynta Itoobiya ah, oo ku qotoma ka-qaybgalka iyo xalinta kala duwanaanshaha aragtiyaha qaab Itoobiyaanimo, sida ay shalay sheegtay xoghaynta saxaafadda ee xafiiska ra’iisul wasaarahu.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.