Fana: At a Speed of Life!

Guddiga ka hortaga iyo Xakamaynta Covid-19 ee D.D.S Oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa.

Addis Ababa june 24,2020 (Senee 17,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Waxa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Xarunta madaxtooyada DDS, guddiga ka hortaga iyo xakamaynta caabuqa covid-19 ,kulankaas oo uu shir guddoominayay madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cumer, waxa sidoo kale shirka kasoo qayb galay mudane Ibraahim Cusmaan oo dhawaan Xisbiga Barwaaqo u magacaabeen in uu noqdo Madaxweyne ku xigeenka D.DS.

Kulankan ayaa warbixinno kala duwan laga dhagaystay xubnaha guddigan qaybta ka ah,kuwaas oo ka warbixiyay xaaladdihii ugu dambeeyay ee Xanuunka Covid-19 iyo dadaalladii u dambeeyay ee la sameeyay ee lagaga hortagayay xanuunkan caabuqa ah.

Laamaha nababgelyada DDS ayaa sheegay in dadaal xooggan ay bixiyeen sidii bulshada xanuunka looga badbaadin lahaa ,waxa ayna sheegeen in hawlgallo xanuunka lagaga hortagayo sameeyeen si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah xanuunkan.

Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka DDS ayaa talooyin wax ku oo ah oo la xidhiidha ka hortaga xanuunka ,kulankaa kasoo jeediyay, arrimo ay ka mid ahaayeen sii xoojinta qorshaha lagaga hortagayo xanuunka iyo in lasii ballaadhiyo wacyigelinnada la xidhiidha ka hortaga caabuqa.

Xafiiska Warfaafinta DDS.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.