Fana: At a Speed of Life!

Guddiga maaraynta ee Xafiiska Maaliyadda Iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDS oo yeeshay kulan lagu soo bandhigayey wax-soo-saarka guud ee deegaanka

Addis Ababa,June 20, 2021 (Senee 13,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Guddiga maaraynta ee Xafiiska Maaliyadda Iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDS ayaa yeeshay kulan lagu soo bandhigayey wax-soo-saarka guud ee deegaanka ee GDP-ga.

Waxaa gudaha Xafiiska Maaliyadda Iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDS ka qabsoomay
kulan ay wada yeesheen guddiga maaraynta ee Xafiiska Maaliyadda Iyo Horumarinta Dhaqalaha DDS, laguna soo bandhigayey wax-soo-saarka guud ee deegaanka ama halbeegga lagu cabbiro wax-soo-saarka deegaanka ee loo yaqaanno GDP.

Waxana intii kulanku socday la soo jeediyey daraasaad laga soo sameeyey guud ahaan qeybaha kale duwan ee deegaanka, mashruuca GDP ayaa ah mid markiisii labaad uu xafiisku sameeyey, dhawaanna loo soo bandhigi doono kabinetka deegaanka.

Inkasta oo ay jiraan caqabado ay keeneen abaaraha soo noq-noqday, xanuunka Covid-19, masiibooyin dad-sameega ah, kuwo dabiiciga ah iyo sicir-bararka oo kor u kacay,

Xafiiska ayaa sheegay in uu taageero ka gaysanayo wax-soo-saarka guud ee deegaanka.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.