Fana: At a Speed of Life!

Guddiga xaqiiqo raadinta xaaladda degdegga ah oo warbixin kasoo saartay oo weerar kooxda TPLF ku beegsatay qaar ka mid ah hoggaanka maamulka ku meelgaadhka ah ee deegaanka Tigray

Addis Ababa,May 26, 2021 (Ginbot 19,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Guddiga xaqiiqo raadinta xaaladda Degdegga ah ayaa soo saartay war-bixin ku saabsan dilal qorshaysan oo kooxda TPLF ku bartilmaameedsatay hoggaamiyeyaashii rayidka ah ee Maamulka Ku-meelgaadhka ah ee  deegaanka Tigray.

warbixinta ayaa lagu sheegay in kooxda argagixisada ah ee TPLF ay dileen 22 qof , halka ay afduubeen 20 islamarkaana  dhaawaceen 4 kamid ah hogaamiyaasha shacabka iyo shaqaalaha maamulka kumeelgaadhka ah ee deegaanka Tigray.

Isku soo wada duuboo 46 ka mid ah hawlwadennada maamulka ku meel-gaadhka ah ee rayidka ah ayaa ilaa iyo hadda ay weerar ku qaaday kooxda argagixisada ee TPLF ee sheegata inay u dagaalamayaan shacabka Tigrayga balse ku fooggan burburka hantida, afduubka iyo dilalka u geysanayaan xubnaha maamulka ku meel-gaadhka ah ee loo magacaabay deegaankaas. Weerarka bahalnimmada ah ayaa kuso beegnmay xilli xasilooni lagu soo dabaalayay deegaanka lana soo celinayay noloshii caadi ahayd ee bulshada ku dhaqan deegaanka Tigray.

Warbixinta ayaa intaa ku daraysa in kooxda TPLF ayaa sii waday gubitaanka guryaha iyo rasaas ay ku furayeen guryaha la degenyahay.

Ciiddamada difaaca Qaranka Itoobiya iyo Maamulka ku meel-gaadhka ayaa weli u heellan xasilinta deegaankaas iyo in lala xisaabtanka dambiilayaasha, ayaa lagu yidhi warbixinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.