Fana: At a Speed of Life!

Guddoomiya guddiga Maalgashiga oo kulan la qaatay danjiraha kuuriya u fadhiya dalkan Itoobiya

Addis Ababa,Dec 28, 2020 (Tehsas 19,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Guddoomiya guddiga Maalgashiga dalkan Itoobiya, Lelise Neme ayaa kulan arrimo badan ay kaga wada xaajoodeen la qaadatay danjiraha Kuuriya u fadhiya Itoobiya Mr.Mrkang Seokhee.

Labada dhinac waxa ay is dhaafsadeen aragtiyo ku aadan sidii loo sii joogtayn lahaa maalgashadayaasha Kuuriyaanka ee ku sugan dalkan Itoobiya iyadoo la duulayo fursadaha sii kordhaya ee waaxda.

Guddoomiye Lelise iyo Danjire Mrkang ayaa isla meeldhigay qaababka loo soo jiidan karo maalgashadayaal badan oo kuuriyaan ah oo yimaada dalkan Itoobiya.

Lelise waxa ay sheegtay in wada hadaladu ay ahaayeen kuwa midha dhal ah kuwaas sii xoojin kara xidhiidhka labada dal ee dhanka maalgashiga.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.