Fana: At a Speed of Life!

Guddoomiyaha  Midowga Afrika oo soo dhaweeyay baaqii xabad joojinta bini-aadanimo ee deegaanka Tigray

Addis Ababa,June 30, 2021 (Senee 23,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Guddoomiyaha  Midowga Afrika (AUC), Muusa Faki Mahamad ,ayaa soo dhaweeyay baaqii xabad joojinta bini-aadanimo ee ay ku dhawaaqday dowladda Federaalka ee dalkan  Itoobiya.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dhinacyada oo dhan inay ilaaliyaan waajibaadkooda sida uu qabo sharciga caalamiga ah si loo ilaaliyo dadka rayidka ah isla markaana loo damaanad qaado marin nabadgalyo ah u ah  hawl wadeenada bani’aadamnimada, si  gargaarka  bani-aadanimo loo gaadhsiiyo dadka tabaalaysan ee deegaanka Tigray.

Gudoomiyaha ayaa xaqiijiyey in midowga Afrika ,uu diyaar u yahay taageeridda dhammaan dadaalada ay dowlada Itoobiya ku sugayso nabadda iyo xasiloonida dalka.

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres, dowladaha Ingiriiska , Shiinaha, Fransiiska, Maraykanka  iyo isutaga Imaaraatka Carabka ayaa dhammaantood  soo dhaweeyay xabad joojintii bini-aadanimo ee deegaanka Tigray.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.