Fana: At a Speed of Life!

Gudiga anshaxa tartanka ciyaaraha Gobalada iyo Maamul Magaalooyinka DDS oo soo saaray go,aano lagu ganaaxay dhowr ciyaartooy oo ka qayb galayay tartankii ciyaaraha Deegaanka.

Addis Ababa,Mar 08, 2021 (Yekatit 29,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Gudiga anshaxa tartankii ciyaaraha Gobalada iyo Maamul Magaalooyinka DDS ayaa maanta soo saaray go,aano lagu ganaaxay dhowr ciyaartooy oo ka qayb galayay tartankii ciyaaraha Deegaanka.

Ganaaxyada ciyaartooyda la dul dhigay ayaa iskugu jira lacag ganaaxa, ka mamnuucida ciyaaraha kubadda cagta.
waxaana Gobalada Ciyaartooyda laga ganaaxay yahiin Gobalka Faafan, Maamulka jig jiga iyo Gobalka Jarar.

Ciyaartooyda ganaaxyada la dul dhigay waxaa ka mid ah maxamed Cabdi oo Gobalka Faafan u ciyaarayay waxaa lagu ganaaxay hal sano in wax tartama ka qayb gali karin halka cabdi naasir xasana Lix bilood garoomada tartamada laga ganaaxay.

Waxaa sidoo kale, Gobalka Faafan ganaax la dul dhigay Asad cumar oo ah wakiilka Ciyaaraha Gobalka Faafan ee xafiiska dhalinyarada oo asna ganaax hal sano ah la dul dhigay in wax tartan ah aanu qaban qaabin karin, halka macalinka Maamulka jig jiga lagu ganaaxay 5000 birr.

Waxaa sidoo kale ganaaxyada ciyaaraha bar bar socday ganaaxyo lacageed oo la dul dhigay Gobalka Faafan iyo Maamulka Magaalada jig jiga oo kala ah Faafan 70,000 oo bir halka Jig jiga 50,000 bir lagu ganaaxay in ay bixiyaan.

Waxaa asna 10 sano tartamada ciyaaraha deegaanka laga ganaaxay Goolhayihii Gobalka Jarar Hiiro kadib markii lagu eedeeyay anshax xumo iyo kicin dad wayne waxaana sidaa warbaahinta u sheegay Wasiir ku xigeenka Ciyaaraha DDS Axmed Xasan Imaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.