Fana: At a Speed of Life!

Guud ahaan Gobollada Deegaanka Soomaalida oo uu ka billaabmay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad

Addis Ababa,June 28, 2021 (Senee 21,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Waxaa si rasmi ah guud ahaan Deegaanka  Soomaalida uga billaabmay imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka 8aad.

Arday dhan 44,144 arday ayaa u fadhiistay imtaxaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad oo ka billaabmay 735 dugsi oo guud ahaan deegaanka ah.

Waxaaana ardaydaas imtixaanka u fadhiisatay ka mid 1,209 arday oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Gaarka Ah ee DDS iyo 98 ka mid ah maxaabiista ku xidhan jeelasha dhaqan-celinta deegaanka.

Wasiir-ku-xigeenka waxbarashada DDS, Mudane C/qaadir Maxammed Shugri oo magaalada Jig-jiga ka daah-furay imtaxaanka 8aadka ayaa ardayda u rajeeyay natiijo wanaagsan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.