Fana: At a Speed of Life!

Guud ahaanba Deegaanka Somaalida oo laga dhigay bannaan-baxyo lagaga soo horjeedo argagixisada TPLF

Addis Ababa,Aug 14 ,2021 (Nehase 08,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed ayaa yidhi”Waxa aan idiin xaqiijinaynaa in maanta kaddib ayna dawladdu u dul-qaadan doonin awr-kiraaleyaasha TPLF ee xasuuqa u geystay shacabka, welina ku sii hawlan.”

Kumannaan shacab ah ayaa saaka ka soo qeyb-galay dibad-bax lagu taageerayo Ciidanka Difaaca Qaranka Dalka, lagagana soo horjeedo ururka argagixisada ah ee dhiig-miiratada mici-gabaarka ah ee TPLF.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, madaxweyne-ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Inj. Maxammed Shaalle iyo masuuliyiin kale ayaa bulshada kala soo qeyb-galay isu-soo-baxan oo ka dhacay garoonka kubbadda cagta ee magaalada Jig-jiga.

“TPLF waxa ay ka been sheegtay dastuurka dalka, waxa ay ahayd koox dadka gumeysata; waxaana ina xukumayey saraakiisheeda” Madaxweyne Mustafe ayaa sidan yidhi mar uu ka hadlayey dibad-baxan.

“Nidaamkii ku dhisnaa kala-sarraynta, dhaca, kufsiga iyo xasuuqa ayey rabaan in ay mar kale soo celiyaan, laakiin taasi ma ahan mid ay aqbali doonaan shacabka Deegaanka Soomaalidu. aniga oo ku hadlaya afka xukuumadda iyo midka shacabka waxa aan idiin xaqiijinaynaa in si cad aannu ula dagaallami doonno argagixisada TPLF” Mustafe Muxummed Cumar.

“Waxa aan idiin caddeynaynaa in maanta kaddib ayna dawladdu ogalaan doonin in ay bannaanka sii joogaan dadkii shacabka xasuuqa u geystay ee maantana doonaya in ay awr-kiraaleyaal u sii noqdaan hadhaaga nafla-caariga ah ee TPLF, taasi waxa ay u muuqataa tallaabo-qaad ay hore dawladdu u gabtay oo maanta lagu dhaqaaqi doono” ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar.

Inj. Maxammed Shaalle, madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida ayaa sheegay in la isugu soo baxay muujinta dareenka lahaanshaha dhulkeenna. waxa aan dhisaynaa Itoobiya la wada leeyahay innaga oo dhawrayna dastuurka dalka, mana illaawi doonno ururkii hore u kala qoqobay bulshadeenna, xasuuqa arxan-darrada ahna u geystay bulshada.

Maalmahan waxaa guud ahaan ka socday dalka isu-soo-baxyo lagu diiddan yahay argagixisada TPLF oo doonaysa in ay dumiso dalka, sida oo kalena taageero loogu muujinayey Ciidamadda Difaaca Qaranka. guud ahaan Deegaanka Soomaalida ayuu ka dhacay isu-soo-baxani.

SRTV Rasmi Page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.