Fana: At a Speed of Life!

Guuleed Ibraahim oo wiil bajaajle ah kana shaqaysta magaalada Jigjiga ayaa maanta hooyo Soomaaliyeed oo bajaajtiisa ku ilowday 300,000 Birr dib ugu celiyay lacagteedii

Addis Ababa,Feb 27, 2021 (Yekatit 20,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Guuleed Ibraahim oo ah wiil bajaajle ah, kana dhex shaqaysta magaalada Jigjiga ayaa maanta celiyay lacag dhan 300,000 kun oo Birr oo ay Hooyo soomaaliyeed kaga dhex kacday bajaajtiisa sida lagu sheegay waraysi ay SRTV  layeelatay wiilkan.

Guuleed Ibraahim Cusmaan Ayaa yidhi “maalin walba waxaan celiyaa Alaabta dadku ku iloobaan bajajtayda arrintan maanta dhacdayna waxay lamid ahayd uun alaabahii Aan celin jiray markay dadku igu iloobaan balse way kaduwanayd maanta ayuu raaciyay Guuleed.”

Guuleed ayaa sheegay in hooyadii ay kudhiiri galiso in alaabta dadku ku iloobaan uu celiyo isla markaana hooyadii ay hubiso xaga danbe ee Bajajtooda in wax lagu iloobay iyo inkale.

Wiilkan xalaal miiradka ah ayaa si ballaadhan loogaga faclinayay baraha bulshada ,iyada oo lagu bogaadiyay sida aaminnimada leh uu lacagtaa bajaajtiisa ay kaga tagtay hooyo soomaliyeed uu halkeedii ugu geeyay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.