Fana: At a Speed of Life!

Hay’adda nabadsugidda qaranka Itoobiya oo fashilisay weerarro argagixiso

Addis Ababa Aug 27, 2020 (Nehaase21,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Hay’adda nabadsugidda iyo amniga qaranka  dalkan Itoobiya (NISS) ayaa sheegtay inay wax badan ku soo kordhiyeen dhanka amniga qaranka iyaga oo fashiliyay weerarro argagixiso oo qorshaysan iyo hub sharci-darro ah oo gacanta lagu soo dhigay.

Warbixin ay soo saartay Hay,adda Nabadsugidda qaranka (NISS) ayaa lagu sheegay in 33 ah iskudayo falal argagixiso (oo ay 16-kamid ah ururka Al-Shabaab qorshaynayeen halka 17-ka kale uu maleegayay ururka Daacish) lagu qabtay walxaha qarxa iyo caddaymo kale intii lagu jiray sannadkan gebagebada ku dhaw ee Itoobiya.

Bayaanka ayaa intaa ku daray in ciidamada nabadsugidu ay qabteen 499 qoryaha A-K47( Kalashnikov), 27, 237 bistoolado ah, 11 bambo gacmeed, 8 qoryaha darandooriga u dhaca, 168, 241 rasaas ah iyo 59 tahriibiyeyaal ah.

Al-Shabaab iyo Daacish (IS) ayaa dhawaan baahiyay muuqaallo hanjabaad ah oo ku saabsan weerarro ay ka fulinayaan Itoobiya, Hay,adda ayaa intaa ku dartay in la dardargeliyay hawlaha nabadsugidda qaranka hadh iyo habeenba si looga hortago weeraradan qorsheysan.

Dhanka kale,hay,adda nabadsugidda iyo amniga qaranka waxa ay ugu baaqaysa dadweynaha inay u soo sheegaan saraakiisha amniga ee ay khusayso haddii ay arkaan dhaqdhaqaaqyo laga shakiyo oo ka dhaca agagaarkooda(deegaankooda).

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.