Fana: At a Speed of Life!

Hay’adda WFP oo 62,900 oo qof  oo ku nool gobolka Daawa ee DDS gaadhsiinaysa cunnooyin kala duwan oo ka baxsan gargaarkii caadiga ahaa

Addis Ababa,DEC 06,2021 (Hidar 27,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Hay’adda WFP ayaa 62,900 oo qof  oo ku nool gobolka Daawa ee DDS gaadhsiinaysa cunnooyin kala duwan oo ka baxsan gargaarkii caadiga ahaa.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta hay’adda cunnada adduunka ee afka qalaad loogu soo gaabiyo WFP si dhinacooda ay qeyb uga noqdaan gargaarka dhinaca abaaraha.

Madaxweynaha ayaa hay’adda kala xaajooday sida wakhtigani loogu baahan yahay gargaar deg-deg ah oo ka baxsan midkii joogtada ahaa ee ay hay’addu bixin jirtay, maaddaama xaalado abaareed oo daran ay ka jiraan Deegaanka Soomaalida gaar ahaan gobolka Daawa oo ay u sii daran tahay.

Dr.Steven Were Omamo, madaxa hay’adda cunnada adduunka ee Itoobiya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay xukuumadda uga wada-shaqayn lahaayeen xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta Deegaanka; “waan uga mahad-celinaynaa xukuumadda dadaalka ay dhinaceeda ka gaysatay abaaraha maaddaama 200 oo milyan ay u qoondeeyeen ka-jawaabidda, dhinacannagana waxaa naga go’an in aannu doorkannaga ciyaarno”.

Waxa uu digtoorku sheegay in hadda si deg-deg ah ay ula gaadhi doonaan bulshada gobolka Daawa deeq raashin ah oo loogu talo’galay 62,900 oo qof.

2.4 milyan oo qof oo ku nool Deegaanka Soomaalida ayaa ka faa’iidaysta gargaarka ay sida joogtada ah u bixiso hay’adda cunnada adduunka ee WFP.

Xigasho:SRTV Somali

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.