Fana: At a Speed of Life!

Heshiiskii xabad joojineed ee Azerbaijan iyo Armeniya oo markale noqday hal bacaad lagu lisay

Ababa Oct 18, 2020 (Tiqimti 08,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Xilli Saacado uun kaddib xabbad joojin looga dhawaaqay gobolka Nagorno Karabakh ee ay ku dagaallamayaan waddaamda Armenia iyo Azerbijian ayaa waxaa markiiba soo baxay eedeymo ah in Azerbijian ay heshiiskaasi jebisay oo hub artilari ah iyo sawaariikh kale ku garaacday dhanka Armenia.

Dowladda Armenia ayaa Azerbijian ku eedeysay in heshiiskaasi ay jebisay.Boqolaal qof ayaa ku dhintay dagaal socday muddo saddex toddobaad, iyadoo labada dhinac ay ku dagaallamayaan gacan ku haynta gobolka caalamku uu u aqoonsan yahay in uu ka tirsan yahay Azerbijian balse Armenia ay sheegato.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Azerbaijan oo ku saabsan eedeynta Armenia ee ah in xabbad joojintii lagu heshiiyay la jebiyay gaar ahaan dhanka Azerbaijan.

Balse farriin uu xoghayaha wasaaradda gaashaandhigga Armenia uu soo dhigay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in ay jiraan duqeymo iyo sawaariikh lagu garaacay woqooyiga iyo koonfurta Armeenia.

Waa heshiiskii labaad oo xabbad joojin ah oo labada dhinac ay kala saxiixdaan muddo toddobaad ah, waxaana ujeedada xabbad joojintani ay ahayd in waddo loo furo ciidamada Azeribiajan ee ku go’doonsan gudaha gobolka Nagorno Karabakh.

Mar sii horreysay ayaa afhayeen u hadlay hoggaanka dalka Armenia oo ku sugan gobolka lagu muransan yahay ayaa sheegay in xaaladdu ay deggan tahay kaddib markii lagu dhawaaqay heshiiskaasi xabbad joojineed.

Xabbad joojintan ayaa waxaa ka sii horreeyay eedeymo labada dhinac ay dhabarka isu saarinayeen oo ahaa in midba midka kale ku eedeeyo duqeymo ka dhan ah goobo ay deggan yihiin dad rayid ah.

Madaxweynaha Azerbaijan ayaa mar sii horreysay wacad ku maray in shacabka Armenia ay laysay uu u aargudi doono.

In ka badan 300 oo qof ayaa dhimatay kumanaan kalena waa ay barakaceen tan iyo markii rabshadihii ugu dambeeyay ee dagaalka muddada dheer socday uu qarxay 27kii Sebtember.

Nagorno-Karabakh waxaa maamulo qowmiyad asal ahaan ka soo jeedda Armenia balse rasmiyan waxuu gobolkan uu khilaafkiisa mudddada badan soo jiitamayay ka tirsan yahay Azerbaijan.

Armenia iyo Azerbaijan – waa laba dal oo horey u ahaa jamhuuriyadihii Midowgii Soofiyeeti – waxayna dagaallo ku dhex mareen sannadihii 1988-1994 gobolkaas. Waxaana sii kordheysay cabsida laga qabay in quwadaha caalamka ay u horseedaan khilaaf daba dheeraada.

Sabtidii toddobaadkii aynu soo dhaafnay ayay labada dhinac xabad jooji ku meel gaadh ah gaadheen in kastoo aanay dhaqan gelin oo islamarkii lagu dhawaaqay xabad joojintaba uu dagaalkii dib uso rogaal celiayay.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.