Fana: At a Speed of Life!

Hoggaamiyeyaasha iyo xubnaha xisbiyada siyaasadeed ee loolamaya oo bogaadiyay hannaanka hansami u socod ee doorashada

Addis Ababa,June 21, 2021 (Senee 14,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Hoggaannada iyo xubnaha xisbiyada siyaasadeed ee loolamaya ayaa bogaadiyay hannaanka hansami u socod ee doorashada.

Andualem Arage, oo ah kuxigeenka Madaxa Muwaadiniinta Itoobiya ee Xisbiga Cadaalada Bulshada (EZeMa) ayaa sheegay inuu arkay howsha doorashada oo sifiican usocota.

Yibabe Asres oo ka codeeyay goobta codbixin oo ku taal degmada Nifas Silk Lafto ayaa sheegay in howlaha doorashada ay yihiin kuwa si habsami u socsa.

“Waxaan mudnaanta siiyay goobaha codbixinta doorashada ,waxaana shaqaalaha ka shaqaynaynayay goobuhu abuureen jawi wanaagsan” ayuu yidhi.

Professor Birhanu Nega oo ah Hogaamiyaha Xisbiga EZeMa, dhankiisa wuxuu yidhi “dhamaadka maalinta kalsoonida doorashada waxay ku xidhnaan doontaa waxa aan qabaneyno,kuma xidhnaan doonto waxa Midowga Yurub (EU) iyo Qaramada Midoobay ama wadan kale sameeyo”

“Waxaan u qabaneynaa doorashadan si aan uga dhigno mid lagu kalsoonaan karo dhexdayada, bale uma qabanayno beesha caalamka darteed.

Hawshu hadda si wanaagsan ayey u socotaa. ” Professor Birhanu ayaa yidhi

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.