Fana: At a Speed of Life!

Hoggaamiyihii mucaaradka Ruushka ee la sumeeyay oo lagu xidhay magaalada Moscow

Addis Ababa,Jan 18, 2021 (Dir 10,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Alexei Navalny oo ah nin si wayn u dhaliila aqalka Kremlin ee Ruushka ayaa la sheegay in la xidhay ka dib markii diyaaraddii sidday ay ka soo caga dhigtay garoon ku yaalla magaaada Moscow, 5 bilood uun ka dib markii uu ka badbaaday sumeyn loo adeegsaday sunta waxyeeleysa neerfooyiinka.

Mr Navalny, oo 44 jir ah, ayaa la arkayay isaga oo ay booliiska u sii kaxeynayaan goobta lagu baadho baasaboorada ee garoonka.

Dad badan ayaa horey waxay isugu soo baxeen garoonka Vnukovo ee ku yaalla magaalada Moscow si ay u salaamaan, balse diyaaraddii sidday ayaa waxaa loo wareejiyay garoon kale.

Dadka u ololeeya arrimaha bulshada ayaa waxay sheegeen in isku daygii dil ee uu ka badbaaday Alexei Navalny ay ka dambeysay xukuumadda Ruushku.

Blase waxaa edeyntaasi iska fogeeyay aqalka Kremlin ee looga arrimiyo dalka Ruushka.

“Waan ogahay inaan saxanahay, wax aan ka baqayo ma jiro,” waxaa sidaasi Mr Navalny uu garoonka Sheremetyevo sidaasi ugu sheegay taageerayaashiisa iyo warbahainta ka hor inta aan la xidhin.

Qareenka Mr Navalny ayaa loo diiday in markii la xidhayay uu sii raaco.

Waxaa la arkayay isaga oo shuminaya xaaskiisa Yulia – oo ay iska soo raaceen Jarmalka ka dib markii ay booliiska uga digeen inay awood adeegsan doonaan haddii amarada la siinayo uu ka dhaga adaygo.

Axaddii shalay ahayd ayaa waxaa isku dhacay booliiska iyo dad isu soo baxay oo doonayay in ay soo dhaweeyaan Mr Alexei Navalny.

Warbaahinta Ruushka ayaa waxay ku warantay in tiro ah ddaka u ololeeya arrimaha bulshada oo uu ak mid yahay Lyubov Sobol – oo ay aad isugu dhaw yihiin Mr Navalny la xidhay.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.