Fana: At a Speed of Life!

Imaaraadka Carabta oo dalalka Itoobiya iyo Suudaan ugu baaqay in ay dejiyaan xiisadda ka taagan xadka ay wadaagaan

Addis Ababa,Jan 13, 2021 (Dir 05,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Dawladda Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE) ayaa ugu baaqday dawladaha Itoobiya iyo Suudaan in dejiyaan xiisadda dhowaanahanba ka taagnayd xadka ay wadaagaan labada dal.

Imaaraadku wuxuu sidoo kale muujiyay doorka muhiimka ah ee labada dal ee xaqiijinta xasilloonida iyo barwaaqada Afrika iyo gobolka oo dhan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Imaaraadku.

Bayaanka ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Imaaraadku waxay ku amaantay xidhiidhka adag ee u dhexeeya Imaaraadka iyo labada dal, iyadoo ku nuuxnuuxsatay muhiimada wada shaqeynta iyo wadaxaajoodka, islamarkaana ay tahay in laga gaabsado ficil kasta oo abuuri kara xiisad hor leh.

Waxa ay sidoo kale ku baaqday in mudnaan la siiyo ka hadalka wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada dal ee deriska ah si loo waafajiyo rajada iyo himilooyinka dadkooda islamarkaana loo gaadho nabadgelyo, xasillooni iyo barwaaqo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.