Fana: At a Speed of Life!

Imaaraatka Carabta oo sameeyay iskudaygiisii ugu horreeyay ee uu kaga dego dayaxa.

Addis Ababa Jul 20,2020 (Hamle 13,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Dalka imaaraadka carabta aayaa iclaamiyay in uu wado isku daygiisii ugu horreyay ee  uu ku tago meeraha Maaris ka dib markii si guul ah looga diray dayax gacmeed dalka Japan.

Rajadan ah  in dayax gacmeed noociisu yahay H2-A laga diro xarunta dayax-gacmeedyada ee Tanegashima ee dalka Japan ayaa hadda lagu guulaystay ,kaas oo uu dayax gacmeedku gaadhayo masaafo dhan 500 Milyan KM islamarkaana loogu talogalay in lagu darso isbedelka cimilada ee meeraha(dayaxa).

Laba isku day oo hore oo lagu fuliyay(sameeyay) tijaabo Todobaaadkii  la soo dhaafay ayaa la baajiyay  cimilada oo xumayd awgeed.

Hergilida rajadan ayaa lagu in wadaa in ay ku beeganto bisha febraayo ee sannadka 2021-ka markaas oo uu dalka imaaraatka carabta uu xusayo sannad guuradii 50’aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay dalkaasi isku taga  Imaaraatka Carabta(UAE).

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.