Fana: At a Speed of Life!

In ka badan 100 qof oo maalin keliya lagu dilay dibad-baxyada ka socda Myanmar

In ka badan 100 qof ayaa Sabtidii lagu dilay dalka Myanmar iyadoo booliska uu sii wado gacanta birta ah ee uu kaga hortagayo dadka u bannaabaxaya demoqoraadiyadda.

Sabtidii ayaa noqotay maalintii ugu dhimashada badneyd tan iyo kowdii Febraayo, markaas oo ay soo billowdeen mudaharaadyada ka dhanka ah afgambigii milatari.

Warbaahinta Myanmar Now ayaa soo warisay in dhimashada xilli dambe oo Sabtii shalay ah ay gaadhay ugu yaraan 114 qof, Iyadoo 29 qof oo canug shan sano jir ahaana uu kujirayna lagu dilay magaalada wuqooyiga ku taalla ee Mandalay, halka ugu yaraan 24 kalena ay ku dhinteen rabshado uu booliska ku lug lahaa oo ka dhacay magaalada Yangon.

Wakaaladda wararka AP oo soo xigatay cilmi baadhe ku sugan magaalada Yangon ayaa sheegtay dhimashada 107 qof, labada tiro ayaana ka badan tii horay loo wariyay banaanbixii 14-kii March oo lagu dilay 90 qof.

Taliska milatariga ayaan wax jawaab ah ka bixin dadkii ciidanka amniga ay ku laayeen mudaharaadyadii Sabtidii dhacay, laakiin waxay afgambigooda ku difaaceen inuu ahaa mid ay ku diideen, natiijada doorashadii 8 November kasoo baxday, taas oo uu ku guulaystay xisbiga NLD ee ay hogaamiso Aung San Suu Kyi.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.