Fana: At a Speed of Life!

Ingiriiska oo soo celiyay xayiraadihii bulshada ee feyraska koroona

Addis Ababa Nov 01, 2020 (Tiqimti 22,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Ra’iisal Wasaaraha Britain Borris Johson ayaa ku dhawaaqay in dalka la galinayo xayiraad bandow ah kadib markii ay sare u kaceen kiisaska cudurka COVID-19.

Dawlada ingiriiska ayaa isu diyaarinaysa in dalka xayiraad lagu soo rogo muddo bil ah taas oo ah tallaabo lagaga gaashaamanayo xillii ay dalkaasi kusoo laba kacleeyeen mawjado kale oo Coronavirus ah.

Waxa xiyiraad cusub lagu soo rogay goobaha cibaadada,goobaha lagu caweeyo,meelaha jimicsiga,sidoo waxa la joojiyay isu-imaatinka aan muhiimka ahayn ee dadweynaha. dadka taagta daran ayaa iyagana lagula taliyay in ay taxadar dheeraad ah muujiyaan.

Si kasta ha ahaatee, dhammaan dukaamada iibiya waxyaabaha lagama maarmaanka ah iyo cisbitaaladu wey furnaan doonaan.

Xayiraadan ayaa waxoogaa ka duwan xilligii bilowgii xanuunka iyada duggsiyada, college-yada iyo jaamacadaha loo ogol yahay in ay furnaadaan inkasta oo xarumaha waxbarashada sare badankooda lagaba dhigey hab online ah.

Mr Johnson ayaa la filayaa inuu war ka soo saaro  Isniinta xaalada soo laba kaclaynta feyraska.

Mudanayaasha baarlamaanka Ingiriisku waxa ay u codeyn doonaan xayiraadiha rasmaiga maalinta  Arbacada, halka xubnaha xisbiga Labour-kuna ay isku afgarteen soo celintii xayiradihii ka dhanka ahaa feyraska.

Dalka Ingiriiska ayaa diiwaan galiyay 21,915 kiis oo kale oo coronavirus maalinnimadii sabtidii, taasoo ka dhigeysa wadarta guud ee xaaladaha feyraska tan iyo markii uu dillaacay 1,011,660.

326 qof oo kale ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen 28 maalmood gudahood baadhitaan lagu ogaaday in ay feyrsaka u dhinteen ka dib.

Ingiriiska ayaa noqday dalkii sagaalaad ee kiisaska feyrasku ay gaadhaan hal milyan oo kiis waxaana ka horreeya waddamada kala ah Maraykanka, Hindiya, Baraasiil, Ruushka, Faransiiska, Spain, Argentiin iyo Kolombiya.

Feyraska koroona ayaa kuso laba kacleeyay qaar ka mid ah dalalka caalamka oo dib bilaabay xiyiradihii looga hortagayay feyraska.

Dhanka kale,mar sii horraysay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in horraanta bisha soo socota ee December uu diyaar noqon doono tallaalkii feyraska koroona balse ila hadda laguma dhawaaqin tallaal keliya oo waxtar leh oo laga hortago aafada covid-19.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.