Fana: At a Speed of Life!

Inkabadan 1300 oo ardey oo wax kabarta dugsiga sare ee jigjiga oo u fadhiisan doona imtixaanka fasalka 12 aad ee loogu gudbayo jaamacadaha.

Addis Ababa,Mar 03, 2021 (Yekatit 24,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Inkabadan 1300 oo ardey oo wax kabarta dugsiga sare ee jigjiga ayaa u fadhiisan doona imtixaanka fasalka 12 aad ee loogu gudbayo jaamacadaha.

Qaarkamid ah ardayda fasalka 12aad ee wax kabarata dugsiga sare ee maamulka magaalada Jigjiga ayaa sheegay inay dadaal dheer ugu jiraan sidii ay imtixaamka natiijo fiican uga keeni lahaayeen, islamarkaana ay Ka faa’iidaysteen muddadii ay waxabarashadu hakadka kujirtay ,iyadoona casharada Kabaran jireen macalinka TV Iyo qaabkii Online-ka ahaa kuwaasoo ay casharada kala socon jireen.

Sidoo kale markii dugsiga lagusoo noqdayna ay helijireen galaasyo dheeraad ah.

Mar aan waxka waydiinnay arday waxkabarata dugsiga sare Ee magaalada Jigjiga dhibaatada uu qishku ku keenayo ardayda ayaa waxay sheegeen in uu qishku yahay mid ardayda waxbarashadooda saamayn ba’an ku yeelan karaya, islamarkaana ka dhigaya mid aan la tartami karin ardayda dhiggooda ah.

Dhanka kale maamule Kuxigenka Dugsiga sare magaalada Jigjiga mar aan waxa waydiinay Heerka uu marayo udiyaar garowga Ay Ardaydu Ugu jiraan Imtixaanka Uu Yahay mid Aad Usareeya, Islamarkaana Ay Ardayda fasalka 12aad siin jireen Maadooyin dheeraad ah Xilida Uu Corona virus ku Iyo Intii Waxbarashada Dib loogusoo laabtay Dugsiyada .

Dugsiga sare Ee maamulka magaalada ayaa waxaa Imtixaanka ufadhiiisan doonta Arday ay tiradoodu dhantahay kun iyo sedex boqol iyo labatan (1320) Arday kuwaasoo Kala Ah Ardayda Sida joogtada Udhigata Dugsiga iyo Ardaydaii sanadkii 2011 waayay Natiijada Loogu  gudbayay jaamacadaha.

SRTV rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.