Fana: At a Speed of Life!

Isbahaysiga sucuudigu uu hoggaamiyo oo sheegay in ay ka hortageen weerar drone oo ay soo qaadeen fallaagada xuutiyuuntu

Addis Ababa,Apr 22, 2021 (Miyasiya 14,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Isbaheysiga uu Sacuudiga hoggaamiyo ee ka dagaalama Yemen ayaa sheegay in maalinnimadan Khamiista ah ay qabteen oo ay burburiyeen diyaarad drone- ah,oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay islamarkaana fallaagada Xuutiyiinta ay usoo ganeen dhanka Sacuudiga.

“Diyaarad Drone ah oo walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo ay fallaagada argagixisada ah ee Xuutiyiinta la beegsadeen magaalada Khamis Mushait ayaa la qabtay oo la burburiyey,” isbahaysiga ayaa ku yidhi bayaan uu soo saaray TV-ga rasmiga ah ee Al-Ikhbariya TV.

Isbahaysigu wuxuu caddeeyay in “isku dayga cadaawadeed ee fallaagadu uu yahay mid nidaamsan oo ula kac ah oo lagu bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah iyo hantidooda.

” Dhiniciisa, Afhayeenka fallaagada Xuutiyiinta Yahya Saree ayaa yidhi: “Ciidamada Cirka (kooxdan) waxay fuliyeen howlgal lagu beegsanayay saldhigga ciidamada cirka ee King Khalid Airbase oo ku yaal magaalada Khamis Mushait ee koonfur-galbeed Sucuudi-Carabiya, waxaana weerarka fuliyay nooca drone-ka ee 2K Qasef drone.

” Wuxuu carabka ku adkeeyay in “howlgalka lagu bartilmaameedsaday goob milatari oo muhiim ah, isla markaana duqeynta ay ahayd mid sax ah.

” Yemen waxaa hadheeyay rabshado iyo xasilooni darro tan iyo sanadkii 2014, markii fallaagada Xuutiyiinta ay qabsadeen inta badan dalka, oo ay ku jirto caasimada Sanca.

Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay sanadkii 2015 markii xulafada uu hogaaminayo Sacuudiga ay bilaabeen duqaymo dhanka cirka ah oo loogu talagalay in la hakiyo ruqaansiga xuutiyiinta.

Tan iyo xilligaas waxa ka dhashay mid ka mid ah xaaladdihii ugu xumaa ee soo mara bani’aadamnimada iyadoo 80% dadka reer yemen ay u baahan yihiin gargaar degdega ah iyo daryeel-ba.

Muddooyinkii u dambeeyay boqortooyada sucuudiga ayaa bartilmaameed u ahayd fallaagada xutiyiinta oo taageero ka hela Iiraan,waxaana weeraro ay la beegsanayeen xarumaha muhiimka ah sida saldhigyada cirka iyo ceelasha shidaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.