Fana: At a Speed of Life!

Isu-duwaha hay’adaha Qaramada Midoobay ee Itoobiya oo barakaceyaasha Qolloji booqatay

Addis Ababa,July 23, 2021 (Hamle 16,2013 T.I (FBC/SOMALI)- Waxa maanta booqasho ku tagay xarunta barakaceyaasha Qolloji wafdi ay hor-kacayso isku-duwaha hay’adaha Qaramada Midoobay ee Itoobiya, Dr. Catherine Sozi, taasi oo maanta soo gaadhay magaalada Jig-jiga. waxaana socdaalkeeda ku waheliyay wasiirka Xafiiska Maaraynta Iyo Khataraha Masiibooyinka DDS.

Booqashadan oo la xadhiidhay u kuur-gelidda xaaladda barakaceyaasha ayaa waxaa wafdiga kulan xog-waraysi ah la qaatay xubno ka socday guddiga barakaceyaasha iyo guddi ka socday bulshada marti-galisay barakaceyaasha. waxaana kulammada xoogga lagu saaray baahiyaha xerada ka jira iyo sidii wax looga qaban karo maadaama ay xerada ku jiraan barakaceyaal ka badan 10,000 oo qoys.

Dr. Catherina Sozi ayaa socdaalka ay ku soo gaadhay Deegaanka waxaa ka dambeeyay casuumad ay ka heshay Dawladda Deegaanka Soomaalida si dib-u-eegis loogu sameeyo doorka hay’adaha ee wax-ka-qabashada arrimaha bini’aadamtinnimada. waana socdaalkii ugu horreeyay ee ay Deegaanka ku soo gaadho.

Xigasho:SRTV rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.