Fana: At a Speed of Life!

Israel oo duqaymo ka fulisay Gaza

Addis Ababa,Apr 17, 2021 (Miyasiya 09,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Milatariga Israel ayaa sheegay Sabtida maanta ah inuu fuliyay duqeymo cirka ah oo ka dhan ah bartilmaameedyo ku yaalla Marinka Gaza ka dib markii gantaal laga soo riday dhanka Falastiin.

Duqeymaha ayaa ku dhacay waxa ay militarigu ku tilmaameen “bartilmaameedyo argagixiso” oo ay leedahay kooxda Islaamiga ah ee Xamaas ee ka Talisa Gaza.

Waxa ay militarigu sheegeen in goobaha la weeraray ay ka mid ahaayeen “xarun tababar, goob laga gano gantaalaha lidka diyaaradaha, iyo warshad.”

Goobjoogayaal iyo ilaha amniga ayaa sheegay in duqeymaha lagu garaacay labo goobood oo lagu tababaro xagjiriinta oo ku kala yaalla koonfurta iyo bartamaha Gaza.

Afhayeen u hadlay Xamaas ayaa sheegay in kastoo ay Israel qaadday weerarkan, “Gaza weli way dagaallameysaa mana jabeyso.”

Weerarradan ayaa yimid saacado kadib markii gantaal Marinka Gaza laga ganay lagu beegsaday koonfurta Israel.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israel ayaa sheegay in gantaalka uu ku dhacay dhulka bannaan islamarkaana uusan geysan wax khasaaro ama waxyeelo ah.

Israel ayaa magaalada Gaza ku soo rogtay xayyiraad dhanka xuduudaha badda iyo beriga ah kadib markii Xamaas ay la wareegtay gacan ku haynta magaalada sanadkii 2007. Labada dhinac ayaa tan iyo markaas waxaa dhexmaray saddex dagaal.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.