Fana: At a Speed of Life!

Israel oo kasoo horjeesatay codsi ay Qatar u dirtay Mareykanka

Israel ayaa kasoo horjeesan doonta in Mareykanka uu dalka Qatar ka iibiyo diyaaradaha dagaalka ee F-35, waxaa sidaas sheegay Wasiirka Sirdoonka Israel.

Eli Cohen, oo la hadlay Raadiyaha Ciidamada Israel, ayaa sababta diidmadaas ku sheegay in Israel ay u baahan tahay inay joogteyso inay noqoto dalka ugu awood militari sarreeya gobolka.

Waxa uu hadalkan sheegay mar waxa laga weydiiyey warbixin ay qortay wakaaladda wararka Reuters oo la xidhiidhay in Qatar ay codsi rasmi ah u dirtay Washington, kaasi oo ay ku dooneyso in looga iibiyo diyaaradaha F-35.

“Amnigeena iyo inaan sii ahaanno dalka ugu militariga wanaaagsan gobolka waa waxyaabo aad muhiim noogu ah. Gobolkeena weli ma uusan noqon sida Switzerland oo kale,” ayuu yidhi Eli Cohen.

Codsiga Qatar ayaa ka dambeeyey heshiis ay bishii August gaadheen Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, kaasi oo Washington ay ku ogolaatay inay ka fikirto in diyaaradaha F-35 laga iibiyo Imaaraadka, waxayna qeyb ka aheyd heshiiska Abu Dhabi ay la gashay Israel, ee ay kula yeelatay xidhiidh diblomaasi.

Israel ayaa sidoo kale horey uga soo horjeesatay in diyaaradahan laga iibiyo Imaaraadka Carabta.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.