Fana: At a Speed of Life!

Israel oo mar kale duqeyn la beegsatay Marinka Gaza

Addis Ababa,July 04, 2021 (Senee 27,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ciidamada Israel ayaa Sabtidii nin Falastiini ah ku dilay Daanta Galbeed kaddibna diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa weeraray bartilmaameedyo militari oo ku yaal marinka Gaza, sidaasina waxaa sheegay ciidamada iyo ilo wareedyo Falastiiniyiin ah.

Waxay dhacdadan noqoneysaa tii ugu danbeysay tan iyo bishii May oo Israel iyo Xamaas ay oggolaadeen xabbad-joojin.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay “duqeeyeen goob hubka lagu farsameeyo, lagana rido gantaalaha oo ay leedahay” waxa ay ugu yeereen ururka argixisada ah ee Xamaas oo maamusha Gaza.

Sida ay sheegayaan saraakiisha amniga iyo dad goobjoogeyaal ah, goobaha la duqeeyay ayaa ku yaalla galbeed magaalada Gaza, iyo dhanka koonfureed ee Marinka, mana jirto wax war ah oo sheegaya haddii uu khasaare nafeed ka dhashay.

11 cisho oo uu dagaal ka dhex socdau Israeli iyo Xamaas ayaa xababd joojin lagu soo afjaray 21-kii bishii May.

Dagaalkaasi ayaa waxaa ku dhintay 260 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jireen dagaalyahanno, sida ay ku warrameen maamulka Gaza.

Sidoo kale 13 qof oo Israa’iiliyiin ah oo u uu ku jiray askari ayaa ku dhintay gantaalo ay Xamaas ka tuurtay Gaza oo haleelay gudaha Israel sida ay xaqiijiyeen booliiska iyo ciidamada Israel.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.