Fana: At a Speed of Life!

Itoobiya iyo Giriigga oo xoojinaya xidhiidhkooda dublamaasiyadeed

Addis Ababa,Sep 14,2021 (Maskarem 04,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Danjiraha dalkan Itoobiya u fadhiya Talyaaniga, Demitu Hambisa ayaa magaalada Athens kulan kula qaadatay  wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda dalka Giriigga Ambassador Themistoklis Demiris waxayna ka wada hadleen arrimo kuseeeya danaha labada dal.

Intii labada dhinac ay u socdeen wadaxaajoodyadu, Danjire Demitu waxa ay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee Giriigga uga war-bixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalkan Itoobiya, biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya (GERD) iyo muranka dhanka soohdimaha ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Suudaan.

Labada dhinac ayaa isla soo qaaday xoojint xidhiidhka laba geesoodka ah ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ,waxayna isla qaateen sidii looga wada shaqeeyo sii xoojinta xidhiidhka. Dhankiisa, Danjire Demiris ayaa ka mahadceliyey xog -warranka xaaladda hadda ka jirta dalkan Itoobiya.

Waxa kale oo uu Danjirahu xaqiijiyey inay Dowladiisu sii wadi doonto xoojinta Xidhiidhka Taariikheed iyo Iskaashiga ee dhinacyada badan leh ee dalkiisa kala dhexeeya  Itoobiya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.