Fana: At a Speed of Life!

Itoobiya iyo QM oo kulan ka yeeshay Hannaanka dib Loogu Soo Celinayo Adeegyadii bulshada ee deegaanka Tigray.

Addis Ababa DEC 03, 2020 (Hidar 24,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Danjiraha iyo wakiilka joogtada ah ee Itoobiya u fadhiya qaramada  midoobay Taye Atske Selassie, ayaa kulan la qaadatay kaaliyaha Xoghayaha-Guud ee Arimaha samafalka ahna Isuduwaha gargaarka degdega ah iyo Madaxa hay’adda isku dubaridka arrimaha bani-aadantinnimada (UNOCHA) Mr.Mark Lowcock.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray heshiis ay kala saxeexdeen Itoobiya iyo QM oo ahaa sidii gargaarro bani’aadamnimo loo gaadhsiin lahaa Itoobiya gaar ahaana deegaanka Tigray.

Waxa xusid mudan in Itoobiya iyo QM ay shalay kala saxiixdeen heshiis saamaxaya in la suuro galiyo jawi ammaankooda lagu sugayo shaqaalaha hay’addaha samafalka ee ka hawlgalaya deegaannada ay gacanta ku hayso dawladu eek a tirsan deegaanka Tigray iyo deegaannada la deriska ah ee canfarta iyo Amxaarada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.