Fana: At a Speed of Life!

Itoobiya oo beesha caalamka ugu baaqday in Suudaan ay cadaadis ku saaraan sidii ay ciidamadeeda ugala baxi lahayd dhulka Itoobiya.

Addis Ababa,Apr 14, 2021 (Miyasiya 06,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Dalkan Itoobiya ayaa beesha caalamka ugu baaqay in Sudaan ay cadaadis ku saaraan sidii ay ciidamadeeda ugala baxi lahayd dhulka Itoobiya.

Bayaan ay shalay soo saartay Wasaaradda Arimaha Dibadu waxay ku sheegtay in Suudaan ay xoog ku qabsatay dhulka ka mid ah Itoobiya, 6dii Nofember sannadkii 2020 ,markaas oo ciidanka Itoobiya ay ku mashquulsanaayeen hawlgalkii sharciga iyo kala dambaynta loogu soo dabaalayay deegaanka Tigray.

In kasta oo Suudaan ay tahay Guddoomiyaha hadda ee urur-goboleedka IGAD, haddana waa wax laga xumaado in loo arko inay tahay jilaaga ugu weyn ee wax u dhimaya nabadda iyo amniga Geeska Afrika ,iyada oo lagu soo duulay dhulka Itoobiya, sidoo kale dhac iyo barakicinta dadka rayid ahba ay geysatay ,waxa jira durbaanno dagaal oo loo garaacayo in lagu qabsado xitaa dhul aad u ballaadhan. ayaa lasii raaciyay.

Itoobiya waxay diyaar u tahay inay ku xalliso muranka soohdinta ee kala dhaxaysa Suudaan iyadoo adeegsanaysa hannaanka  xallinta khilaafaadka sida ku xusan isdhaafsigii Qoraallada labada dal u dhaxeeyay ee la gaadhay sannadkii 1972-kii ,kaas oo mamnuucaya barokaca iyo in awood lagu xalliyo arrimaha xudduudaha illaa laga helayo xal nabadeed.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.