Fana: At a Speed of Life!

Itoobiya oo cambaaraysay hor-istaaggii uu Guddiga fulinta ee WHO kula kacay hadaljeedijintii ku aaddanayd Tedros Adhanom

Addis Ababa,Jan 26,2022 (Dir 18,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Ergada Joogtada ah ee Itoobiya u fadhida magaalada Geneva, ee xarunta Qaramada Midoobay ayaa soo saartay bayaan ku saabsan joojintii uu guddiga ururka caafimaadka adduunka ee (WHO) uu ku joojiyay hadal-jeedintii wakiilka Itoobiya ee ku aaddanayd dhaqan-xumada Tedros Adhanom. War-murtiyeedkaas oo dhammaystirani waxa uu u dhignaa sida tan.

Itoobiya waxay ka xuntahay in laga hor-istaagay inay warbixin kasoo jeediso kalfadhigii 150aad ee golaha fulinta ee WHO uu yeeshay 24-kii January. Dhaqan-xumada noocaas ah ee ka dhanka ah waddan xubinta ka ah (WHO) waa wax aan la aqbali karin. Dr. Tedros wuxuu ka soo jeedaa Itoobiya.

Itoobiya ayaa isaga u magacawday jagada Agaasimaha Guud ee WHO. Waxay abaabushay dadka Afrikaanka ah iyo dalal kale oo saaxiibo ah si ay u taageeraan. Isla markii ay khilaafka ay kicisay kooxda TPLF, wuxuu muujiyay midabkiisa dhabta ah.

Xisbigiisa siyaasadeed ee TPLF ayuu ka doortay dalkiisa. Halkaa marka ay marayso, waxa uu ku gacan saydhay dhaartii uu u maray in uu yahay Agaasimaha Guud ee WHO. Wuxuu ku takri-falay xafiiskiisa iyo dhaqanka caalamiga ah ee Agaasimaha Guud si uu u horumariyo dacaayadda TPLF.

iyada oo sidaa ay tahay, waxa uu sameeyay anshax-xumo cad oo joogto ah. Wuxuu ku xad-gudbay halbeegga hab-dhaqanka shaqaalaha rayidka ah ee caalamiga ah iyo Xeerka Anshaxa ee WHO. Waxay ahayd inuu tusaale u noqdo.Taas beddelkeeda, faragelinta uu ku hayo waddan xubin ka ah WHO oo uu u doodayo qaswadayaal colaad wada waxay ka dhigan tahay dhaqan-xumo qaawan.

Itoobiya ayaa dacwad u gudbisay guddiga fulinta  ee WHO walina waxa ay sugaysaa qirashada cabashada. Dhab ahaantii, maalintii ugu horreysay ee shirka guddiga fulinta Itoobiya ayaa loo diiday inay sharaxdo xaaladdan welwelka leh.

Hal shay waa inay caddahay. Cabashada Itoobiya maaha mid tixraacaysa shaqada WHO ama waxqabadka shaqaalaha. Balse Waxa ay ku socotaa anshax-xumada uu ku kacay Agaasimaha Guud ee WHO iyo sharcijebinta aan loo meeldayin.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.