Fana: At a Speed of Life!

Itoobiya oo diiwaangelisay 610 xaaladdood oo cusub iyo 14 ruux oo u dhintay feyraska 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.

Addis Ababa Jul 29,2020 (Hamle 22,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasaaradda Caafimaadka dalkan Itoobiya ayaa warbixinteedii maalinlaha ahayd ku diiwaangelisay 610 xaaladood oo cusub oo feyraska koroona ah ,24kii saacadood ee la soo dhaafay ka dib markii feyraska laga baadhay 7,760 qof.

Tirada guud ee uu feyrasku haleelay guud ahaan dalka ayaa hadda ku taagan 15,810.

Dhanka kale ,Wasaaradda Caafimaadka ayaa diiwaangelisay 14 xaaladood dhimasho ah kuwaaas tirada guud ee dhimashada ka dhigay 253 ruux.

Geesta kale, waxa feyraska kasoo caafimaaday 159 qof kale 24 kii saacadood ee ugu dambeeyay,kana dhigay tirada guud ee ka bogsatay covid-19 guud ahaan dalka 6, 685.

Ilaa hadda dalkan Itoobiya ayaa baadhitaan sheybaadh ku sameeyay 403,611 qof.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.