Fana: At a Speed of Life!

Itoobiya oo diiwaangelisay Kiisaskii ugu badnaa hal maalin gudaheed ee u dhinta Covid-19.

Addis Ababa Jul 26,2020 (Hamle 19,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasaaradda Caafimaadka dalkan Itoobiya ayaa maanta diiwaangelisay 720 xaaladood oo cusub oo feyraska koroona ah ,24kii saacadood ee la soo dhaafay ka dib markii feyraska laga baadhay 9,527 qof.

Tirada guud ee feyrasku saameeyay guud ahaan dalka ayaa hadda u boodday(gaadhay) 13,968.

Dhanka kale ,Wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale diiwaangelisay tiradii ugu badnayd ee hal maalin gudaheed u dhimata feyraska oo ay u nafwaayeen 14 ruux ,kuwaaas tirada guud ee dhimashada ka dhigay 223 ruux.

Sidoo kale, waxa feyraska kasoo caafimaaday 250 bukaan oo kale oo u jiifay xanuunka ,kana dhigay tirada guud ee ka bogsatay covid-19 guud ahaan dalka 6, 216.

Geesta kale waxa xanuunka u jiifa (uu hayaa) 7,527 qof iyada oo ay 65 mid dadka buka ay xaalad il-darnaan ah ku jiran(halis)

Ilaa hadda dalkan Itoobiya ayaa baadhitaan sheybaadh ku sameeyay 382,339 qof.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.