Fana: At a Speed of Life!

Itoobiya oo diiwaangelisay Tirada kiisaskii ugu badnaa ee covid-19.

Addis Ababa Jul 24,2020 (Hamle 17,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasaaradda Caafimaadka dalkan Itoobiya ayaa maanta diiwaangelisay 760 kiis oo cusub oo feyraska koroona ah ,waana tiradii ugu badnayd ee hal maalin gudaheed lagu diiwaangeliyo tan markii uu feyrasku ka dillaacay dalka.

Tirada guud ee uu feyrasku saameeyay guud ahaan dalka ayaa hadda u boodday(gaadhay) 12, 693.

Dhanka kale ,Wasaaradda Caafimaadka ayaa diiwaangelisay 3 kiis oo dhimasho ah ,kuwaaas tirada guud ee dhimashada ka dhigay 200 ruux.

Sidoo kale, waxa feyraska kasoo caafimaaday 140 bukaan oo u jiifay xanuunka ,kana dhigay tirada guud ee ka bogsatay covid-19 guud ahaan dalka
5, 785.

Ilaa hadda dalkan Itoobiya waxa baadhitaan sheybaadh lagu sameeyay 364, 322 qof.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.