Fana: At a Speed of Life!

Itoobiya oo laba jibaaraysa waxsoosaarkeeda beeraha

Addis Ababa,Aug 23,2021 (Nehase 17,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa ku baaqay in la laba jibaaro waxsoosaarka beeraha Itoobiya ee la diiwaangeliyay saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa yidhi “Haddii aynu laban-laabno wax -soo -saarka beeraha ee la diiwaangeliyay saddexdii sano ee la soo dhaafay, waxaan sidoo kale ku guuleysan doonnaa hindisaheena cagaaran, waxaana aynu xaqiijin doonaa sugnaanta cuntada(ka hortaga cuntayaridda)” .

Ra’iisal Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in Itoobiya ay u sii dhowaaneyso dhanka isku filnaanshaha, isagoo intaa ku daray in qaranku awood ballaadhan oo dhanka waxsoosaarka beeraha uu leeyahay.

Itoobiya ayaa mudnaanta siisay wax -soo -saarka qamadiga ,kaas oo isbedel weyn ku keeni doona waxsoosaarka dalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.