Fana: At a Speed of Life!

Itoobiya oo loo ogolaaday waddamada u safri kara midawga Yurub.

Addis Ababa june 28,2020 (Senee 21,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Dalkan Itoobiya ayaa ka mid noqday 11 dal oo Afrikaan ah kuwaas oo loo oggolaaday in ay u safri karaan Waddamada Midowga Yurub (EU) madaama xuduudaha dib loo furayo bishan July.

Dalalka Mozambique, Angola, Namibia, Zambia, Rwanda, Uganda,Masar, Tuniisiya, Aljeeriya iyo Morooko ayaa sidoo kale ku jira liiska ay socaalkooda ogolaan doonaan dalalka midowga yurub. Sida lagu sheegay wargeyska Euronews.

dhanka kale ,dalalka Brazil, Qatar, Mareykanka iyo Ruushka ayaan ku jirin liiska dalalka la ogolaaday ,maadaama ay yihiin waddamada uu feyraska sida ba’an ugu faafay caalamka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.