Fana: At a Speed of Life!

Itoobiya oo saddex dayax-gacmeed oo dheeri ah hawada sare u diraysa tobanka sano ee socda

Addis Ababa,Dec 20, 2020 (Tehsas 11,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Agaasimaha guud ee machadka Cilmiga Hawada sare iyo teknolojiyadda ee dalkan Itoobiya Abdissa Yilma ayaa maanta sheegay in Itoobiya ay ka shaqeyneyso sidii ay muddo toban sano gudahood ah ay hawda sare ugu diri lahayd saddex dayax-gacmeedyo oo dheeri ah.

Sida uu shaaciyay agaasimaha guud, dayax-gacmeedyada la diri doono sannadaha soo socda mid ka mid ah  ayaa loogu talagalay isgaadhsiinta iyo dhanka baahinta halka labada kale ay yihiin dacyo-gacmeedyo xogta kasoo ururin doona meelo durugsan.

Hay’addu waxa ay maanta u dabaal degtay sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii Itoobiya  dayax-gacmeedkeedii ugu horreeyay ee (ETRSS-1) ay hawda sare udirtay iyada oo gacan ka helaysa dawladda shiinaha.

Intii socotay munaasabadaasi, agaasimaha guud wuxuu sheegay in khubaro u dhalatay Itoobiya ah ay si buuxda ugala wareegeen khubarada dalka Shiinaha gacanta ku -haynta dayaxgacmmedka Itoobiya ee ETRSS-1.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.