Fana: At a Speed of Life!

Itoobiyo oo qaadaysa olale baadhitaanno ah oo ka dhan ah Covid-19

Addis Ababa Aug 2, 2020 (Hamle 26,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Dalkan Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah u bilaabaya olole tijaabo baadhitaan ah oo soconaya muddo bil ah kaas guud ahaan dalka looga baadhayo aafada feyraska COVID-19, islamarkaana hordhac u noqon doona tallaabooyinka isxiga ee la qaadayo sannadka cusub.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka shalay, ayaa uu ra’iisal wasaaruhu ku yidhi “tijaabinta la kordhiyay waxa ay fure u tahay ogaanshaha saamaynta COVID-19 ee wadanka si loo helo awood wax ku ool ah oo laga gaadho dhinacyada kala duwan.” Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha in ay ka qeybqaataan oo ay dhiiri galiyaan qeybaha kala duwan ee bulshada in la baadho, si waafaqsan qorshayaasha Wasaaradda Caafimaadka.

Feyraska karoona ayaa kor u kac degdeg ah ka sameeyay qaybo badan oo ka mid ah dalka, gaar ahaan caasimada Addis Ababa.

Dalkan itoobiya  ayaa diwaangeliyay daraad tirada kisaskii ugu badnaa hal maalin gudaheed oo la xaqiijiyay 915 xaaladood oo ah xanuunka karoona coronavirus halka shalayna la diiwaangeliay 469 xaaladood oo kale.

Dhanka kale Tirada guud ee kiisaska la xaqiijiyey guud ahaan dalka  ayaa hadda ku taagan 17,999, iyada oo ay 284 ruux-na u  dhinteen halka 7,195-na ay ka kaceen(bogsadeen) xanuunkan faafaha daran.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.