Fana: At a Speed of Life!

Jaamacada Diridhabe oo shacabka abaaraysan ee Deegaanka Soomaalida ugu deeqday lacag dhan 1 milyan iyo 500 oo kun

Addis Ababa,Feb 09,2022 (Yekatit 02,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Jaamacada Diridhaba ayaa shacabka ay abaartu ku dhufatay ee Deegaanka Soomaalida ugu deeqday deeq lacag dhan 1 milyan iyo 500 oo kun oo Birr (1,500,000.00).

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo Madaxwayne-ku-xigeenka mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa madaxtooyada ku qaabillay guddiga maamulka sare ee Jaamacada Diridhaba gaar ahaan Madaxwaynaha Jaamacadda, Dr. Ubax Aadan.

Masuuliyiinta Jaamacadda ayaa xukuumadda deegaanka ku wareejiyay deeqdan lacageed oo ay ugu talo’galeen in ay kaga qayb’qaataan gurmadka abaaraha.

Masuuliyiinta sare ee xukuumadda ayaa uga mahadceliyay Jaamacadda Diridhaba taageerada ay usoo fidiyeen walaalahooda la tabaalaysan abaarta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.