Fana: At a Speed of Life!

Jaamacadda gaashaandhigga JDFI oo ay ka qalinjebiyeen 502 arday

Addis Ababa Aug 30, 2020 (Nehaase24,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Shan boqol iyo laba (502) arday oo bartay cilmiga Injineernimada iyo Caafimaadka ayaa maanta  ka qalinjebiyay jaamacadda wasaaradda gaashaandhigga ee dalkan Itoobiya .

Ardaydani waxa ay dhammaysteen waxbarashada heerka koowaad ee Degree-ga,ta heerka labaad , barashada farsamada iyo xirfadaha iyo sidoo kale tababarro joogto ah.

Munaasabadda qalin-jabinta waxaa lagu martiqaaday taliyaha ciidamada JDFI Jeneeral Adem Maxamed iyo mas’uuliyiin kale oo sarsare.

Jaamacadda gaashaandhigga waxa ilaa hadda ka qalin jabisay arday dhan 9,856 oo ay ku jiraan ardayda maanta ka qalin jabiysay kuuliyadaha  cilmiga Injineernimada, Caafimaadka, iyo cilmiga maareynta kheyraadka dadka(HRM).

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.