Fana: At a Speed of Life!

Jaamacadda Haramaaya oo waxbarasho siinaysa laba jaamacadood oo ku yaalla Somaliland

Addis Ababa,Sep 14,2021 (Maskarem 04,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Jaamacadda Haramaya ayaa ku dhawaaqday qorshe ay laba jaamcadood oo Somaliland ku yaalla ku siinayso waxbarasho heer jaamacadeed ah.

Madaxa xidhiidhka caalamiga ah iyo xidhiidhka dadweynaha ee jaamacadda Alemeshet Teshome, ayaa sheegay in jaamacaddu Tobanka sano ee socda ay ku dadaaleyso sidii ay barnaamijyadeeda heerka labaad ee jamaacadda (Master Degree) ay u gaadhsiin lahayd in ka badan 200 barnaamij.

Wuxuu sheegay in jaamacaddu ay iskaashi la leedahay jaamacado kala duwan ,gaar ahaana kor qaadista xidhiidhka caaalamiga ah.

Sida ay werisay wakaaladda wararka ee Itoobiya (ENA) ayaa waxa ay sheegtay inay socdaan dedaallo ay jaamacadaha Somaliland iyo kuwa Jabuuti kagala shaqaynayaan dhanka aqoonta diblomaasiyadda si loo middeeyo aqoonta Afrika.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.