Fana: At a Speed of Life!

Jabhadda Kooxda Argagixisada ah ee TPLF oo falal dhac bangi iyo dilba isugu jira ka geysatay magaalada Nifas Mewcha ee deegaanka Amxaarada

Addis Ababa,Aug 25,2021 (Nehase 19,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Jabhadda Kooxda Argagixisada ah ee TPLF ayaa dhac bangi ka geysatay magaalada  Nifas Mewcha ee gobolka gonder ee deegaanka Amxaarada ,halkas oo ay ku dieen waardiyayaashii bankiga ganacsiga Itoobiya(CBE).

Maareeyaha Laanta Gebriye ee Bangiga Ganacsiga Itoobiya (CBE), Alemnew Seyoum ayaa sheegay in argagixisadu ay dhaceen dhammaan lacagtii isla markaana ay burburiyeen dhammaan hantidii  dhex taallay dhismaha bangiga.

Kooxda argagixisada ayaa burburisay mashiinnada ATM -ka, agabyada iyo dukumiintiyo aad u qiimo badan oo ku yaal dhismaha bangiga, ayuu yidhi, isaga oo intaas ku daray in khasaaraha ay geysteen budhcadaasi weerarka soo qaadday lagu qiyaasay in ka badan 1.8 Milyan Birr.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.