Fana: At a Speed of Life!

Japan oo deeq lacageed oo dhan $14M ku taageertay dalkan Itoobiya si loogaga hortago faafitaanka Covid-19.

Addis Ababa Jul 24,2020 (Hamle 17,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasaaradda Maaliyadda JDFI iyo dalka Japan ayaa kala saxiixday heshiis deeq lacageed oo dhan $ 14 milyan oo doolar oo ah kala iibsiga qalab caafimaad si loo hortago faafitaanka feyraska COVID-19 ee dalkan Itoobiya.

Heshiiska maanta waxa kala saxeexday Wasiirka Maaliyada JDFI mudane Axmed Shide, iyo Safiirka dalka Japan u fadhiya Itoobiya Matsunaga Daisuke.

Danjire Matsunaga waxa uu yidhi “deeqdaas gargaarka ahi waxa ay gacan ka geysan doontaa xoojinta tallaabooyinka laga qaadayo la-dagaallanka cudurrada faafa ee Itoobiya, oo uu ka mid yahay caabuqa COVID-19.”

Danjiraha ayaa filaya in“kaalmadan gargaarka ahi ay sii qoto dheerayn doonto saaxiibtinimada ka dhaxaysa shucuubta Japan iyo Itoobiya”.

Sida lagu sheegay bayaan ay safaaradda Japan u dirtay hay’adda warbaahinta FBC, deeqda ayaa ah sii wadida ballan-qaadyadii Yokohama TICAD 7 ee bishii Ogosto 2019-kii adeeg caafimaad oo caalami ah lagu fidinayay guud ahaan caalamka iyo dadaalada hagaajinta daryeelka caafimaad ee Afrika-ba.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.