Fana: At a Speed of Life!

John Mahama oo loo magacaabay ergayga Midoowga Afrika ee Soomaaliya

Addis Ababa,May 08, 2021 (Miyasiya 30,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxa Midowga Africa Moussa Faki Mahamat ayaa soo dhaweeyay magacaabista madaxweynihii hore ee dalka Ghana John Dramani Mahama in uu noqon Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Africa u qaabisan arrimaha Soomaaliya.

Bayaanka magacaabista madaxweyne Mahama ayaa lagu sheegay in loo xilsaaray inuu la shaqeyn doono hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya, si loo gaaro tanaasul la wada oggolyahay iyo xal loo dhanyahay oo ku aaddan qabashada doorashooyinka Soomaaliya muddada ugu dhow ee ugu macquulsan.

“Marka uu Madaxweyne Mahama gudanayo waajibaadkiisa, waxaa taageri doona AMISOM, si loo hubiyo in dedaaladda dhex-dhexaadinta iyo howlgalka taageerada nabadda ay si wadajir ah u wada shaqeeyaan” ayaa lagu yidhi bayaanka magacaabista Madaxweyne John Mahama.

Midowga Africa ayaa sidoo kale ugu baaqay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaalida inay si daacad ah oo dadnta dadka iyo wanaagga dalka ay ku jirto uga wadaxaajoodaan is-mariwaaga doorashada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa 18-kii bishii April kulan uu la qaaday guddoomiyaha Midowga Africa, ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo Felix Tshisekedi ka codsaday inuu fududeeyo, isla markaana dusha kala socodo wadaxaajood dhexmara saamileyda siyaasadda Soomaaliya, waxaana madaxweyne Tshisekedi uu soo dhaweeyay soo jeedinta Madaxweyne Farmaajo, iyadoo magacaabista madaxweynihii hore ee Ghana ay qeyb ka noqoneyso waxyaabaha uu Midowga Africa ku fududeynayo arrimaha cakiran ee Soomaaliya.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.