Fana: At a Speed of Life!

John Nkengasong: Waxa ay u eegtahay sidii in aan dagaal ku jirno.

Addis Ababa, MAY 29, 2020 (FBC/SOMALI)- Iyada oo dalal badan oo Afrikaan ahi ay dib u fureen ,xayiraadii saarnaynayd isku socodka, ayaa waxa uu madaxa Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga xanuunnada faafa ee Afrika ku baaqayaa in baadhitaanno badan oo la sameeyaa ay tahay habka ugu wanaagsan ee looga fogaan Karo kiisas cusub oo feyraska karoona ah, oo soo laba kacleeya.

Dr. John Nkengasong, oo ah madaxa Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga xanuunnada faafa ee Afrika (CDC Africa), ayaa sheegay in haddii la doonayo in si macquul ah loo helo sawir sax ah oo ku saabsan sida cudurka uu u fidayo, in Afrika ay u baahan tahay qiyaastii 15 milyan oo baadhitaan, ama ka badan ,taas oo 1% ka noqonaysa dadweynaha la baadhay. Ilaa hadda, 1.8 milyan oo qof ayaa la baadhay qaaradda oo dhan.

Haddii aynaan garanaynin faafaheena, ma la dagaalami karno masiibada,” Nkengasong ayaa yidhi  ,VOA da isagoo waraysi ku siinayay Aalada maqalka iyo muuqaalka ee Skye ,islamarkaana ku sugnaa xafiiskiisa Addis Ababa.” Waxay u eegtahay inaan dagaal ku jirno. Haddii aanad aqoonin cadowgaaga, lama dagaalami kartid cadowga. ”

Si loo yareeyo farqiga u dhexeeya baadhitaannada , Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga xanuunnada faafa ee Afrika waxay sameysay iskaashi ,si loo Dardargeliyo baadhitaanka xanuunka Faafaha daran ee COVID-19 . Wadashaqeynta ayaa u hirgelinaysa waddamada in ay ururiyaan ilo dhaqaale ,si ay soo u iibsadaan qalabka baadhitaanka ee laga helo suuqa caalamiga ah.

Ilaa hadda, Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga xanuunnada faafa ee Afrika waxay qaybisay 2.7 milyan, oo ah  agab caafimaad oo baadhitaannada lagu sameeyo  , oo ay kujirto qaybin qorshaysan oo qiyaastii 900,000 oo qalabka lagu baadho xanuunka karoona ,ayaa iyana lagu wadaa in la gaadhsiiyo dalka Senegal toddobaadkan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.