Fana: At a Speed of Life!

Kal-fadhiga 13-aad ee Golaha fulinta DDS oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Deegaanka

Addis Ababa,June 01, 2021 (Ginbot 25,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Kal-fadhiga 13-aad ee Golaha Hawl-fulinta DDS ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada Deegaanka.Ajandeyaasha kulankani ayaa ahaa 2 qodob oo kala  ah:

  1. Ansixinta gunno la siinayo booliska caadiga ah iyo kuwa asluubta Deegaanka.
  2. Dardar-gelinta xakamaynta caabuqa Covid-19.

Kulankani oo uu shir-gudoon ka ahaa Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayna soo xaadireen Golaha Wasiirrada ayaa lagu lafo-guray labadani qodob iyo qaabkii loo dhaqan-gelin lahaa.

Dhawaan ayey ahayd markii ay xukuumaddu tababar u soo xidhay ku dhawaad 1,000 askari oo lagu soo kordhiyey ciidanka booliska caadiga ah ee Deegaanka. maadaama, shaqooyin muhiim ah ay u hayaan bulshadana ay dawladdu ballan-qaadday in si dhaw wax looga baddali doono nolosha guud ee ciidanka.

Haddaba, maanta ayey Golaha Hawl-fulinta Deegaanku ansixiyeen in gunno ama lacag dheeri ah oo u dhiganta mushahaarkii ay horey u qaadanayeen boolisku loogu daro, maadaama waajibaad culus ay u hayaan bulshada, iyagana looga baahan yahay in bulshada ay ugu shaqeeyaan nidaam ka reebban cadaaaladd-darro, eex, nin-jeclaysi iyo musuq-maasuq.

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomalida, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in arrinta xakamaynta caabuqa Covid-19 ay u baahan tahay ka-go’naansho iyo daadaal dheeraad ah oo ay muujiso cid walbe [xukuumad ahaan iyo shacab ahaanba], dhayalsina aysan noqon qaabkii bulshadeenna looga badbaadin lahaa cudurkani dilaaga ah.

Soo-laabashada ama labo-kaclaynta xanuunka Covid-19 iyo feejignaan la’aanta bulshada Deegaanka Soomaalida ayaan ahayn wax is waafaqsan, iyada oo waliba inta badan bulshada soomaaliyeed ay ogsoon yihiin boqollaal haldoor oo bulshada magac iyo maamuusba ku dhex lahaa in ay sababsadeen xanuunkani khatarta badan.

Illaa iyo hadda fayraska Karoona ayaa si xawli ah ugu faafaya wadammo badan oo caalamka ka mid ah”.

Ugu dambayn goluhu cod buuxa ayey ku ansixiyeen qodobbadani fulintooda.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.