Fana: At a Speed of Life!

Kal-fadhigii 13aad ee golaha 5aad ee xildhibaannada Deegaanka Soomaalida ee sannad-misaaniyadeedka 2013-ka oo maanta ka furmay madasha kulammada ee Qaryaan Dhoodaan ee magaalada Jig-jiga

Addis Ababa,July 18, 2021 (Hamle 11,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Kal-fadhigii 13aad ee golaha 5aad ee xildhibaannada Deegaanka Soomaalida ee sannad-misaaniyadeedka 2013-ka T.I ayaa maanta ka furmay madasha kulammada ee Qaryaan Dhoodaan ee magaalada Jig-jiga.

Kooramka kal-fadhigan ayaa ah 152. waxaana soo xaadiray 203 xildhibaan. xildhibaannada oo buuxiyey kooramka kal-fadhiggan 13aad ee golaha 5aad ayaa waxaa ka qeyb-galay af-hayeenka Golaha Xildhibaannada DDS, Mudane Malaw Ibraahim iyo af-hayeen-ku-xigeenka baarlamaanka, Marwo Fardawsa Dayr, madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, Madaxweyne-ku-xigeenka Deegaanka, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax iyo xubnaha Golaha Wasiirrada DDS.

Ajandeyaasha kal-fadhiggan 13aad ee golaha 5aad hor-yaallay ayaa kala ah:

(1) Ansixinta hadal-qoraaleedkii kal-fadhigii 12aad.
(2) Dhegaysiga Iyo ka-doodista war-bixinta golaha Xildhibaanada DDS.
(3) Dhegaysiga iyo ka-doodista war-bixinta Maxkamada Guud Ee DDS.
(4) War-bixinta Hanti-dhawrka (Ouditerka)
(5) Dhegaysiga, ka-doodista iyo ansixinta war-bixinta waxqabadka xukuumadda DDS 2013-ka T.I.
6 Ansixinta miisaaniyadda sannadka 2014-ka.
(7) Ansixinta bayaannada kala duwan
(B)7.1 Bayaanka dib loo habeeyay ee Xafiiska Hanti-dhawrka DDS.
(T) Ansixinta bayaanka diwaan-gelinta hantida masuuliyiinta.
(J) Ansixinta bayaanka shaqo-abuurka.
(X) Ansixinta bayaanka aas-aasidda Komishinka Baadhista Tacaddiyada.
(KH) Bayaanka maxkamadaha DDS.

Kal-fadhiga Golaha Xildhibaanada DDS waxaa furay af-hayeenka Golaha Xildhibaannada DDS, Mudane Mawal Ibraahim oo u soo jeediyay Ajandayaasha kulanka.golaha ayaana gacan-tag ku ansixyeen Dhegaysiga iyo ka doodista Dhamaan Ajandayaasha hor yaalo Golaha.

Golaha ayaan dhegaystay Warbixnta waxqabadka golaha Xildhibaanada DDS Ee Sannadka 2013 Dood dheer ka dib mudanayaasha Golaha Xildhibaanadu
Ayaa ansixyeen Warbixnta waxqabadka golaha Xildhibaanada DDS ee Sannadka 2013.

Madaxweynaha ayaa kahor inta uusan gelin soo-jeedinta war-bixinta waxqabadka xukuumadda u mahad-celiyey xildhibaannada Deegaanka oo uu ku tilmaamay in qeyb weyn ay ka ahaayeen isbeddelkii 3-da sano ee dawladda.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.