Fana: At a Speed of Life!

Kenya oo hakisay dhammaan duulimaadyadii kaga imanayay Soomaaliya

Addis Ababa,May 11, 2021 (Ginbot 03,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Hay’adda duulista hawada Kenya ayaa hakisay dhammaan duulimaadyadii u dhexeyey Soomaaliya iyo Kenya, laga bilaabo maanta oo Talaado ah.

Xayiraadda duulimaadyadan waxa keliya ka reeban diyaaradaha samaynaya gurmadka caafimaad iyo kuwa bani’aadminnimada ee Qaramada Midoobay.

Xayiraadda ay soo rogtay Kenya ayaa ka dambaysay markii hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ay sheegtay bishan May 9-keedii in xayiraaddi duulimaadyada qaadka ay weli taagan tahay.

Hakinta duulimaadyada waxa VOA u xaqiijiyey sarkaal Soomaali ah oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, maadaama aan loo oggoleyn la hadalka saxaafadda.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.