Fana: At a Speed of Life!

Kenya oo ku baaqday in Biyaha Webiga Niilka si siman loo wada isticmaalo.

Addis Ababa june 26,2020 (Senee 19,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Xoghayaha Golaha Wasiirada, Wasaaradda Biyaha, Fayadhowrka iyo Waraabka ee Kenya -Wicily Kariuki, ayaa sheegtay in Itoobiya, Suudaan iyo Masar ay tahay in ay arrimaha ku saabsan biyo-xidheenka (GERD) ku xilliyaan iyada oo la marayo wadaxaajood.

Kariuki ayaa hadalkan jeedisay shalay markii ay kulan is xog-waraysi la yeelatay safiirka Itoobiya ee Kenya, Meles Alem.

Wasiirrada ayaa intaa ku dartay in wadahadalada ka socda biyo-xidheenka ay tahay inay keenaan sidii si siman loogu isticmaali lahaa ilaha biyaha ee webiga Niilka.

Danjire Meles waxa uu wasiirku uga warbixiyey sida ay uga go’antahay Itoobiya inay u isticmaasho ilaha biyaha webiga si caddaalad ah ,sinnaan ah ,oo waafaqsan mabaadiida iskaashiga iyada oo aan wax dhibaato la gaadhiinayn biyaha niilka.

Waxa kale oo yidhi marka la dhameeyo, buuxinta biyo xidheenka waxa uu sii wadi doonaa fududeynta horumarka gobolka iyo is-dhexgalka dhaqaalaha.

Dhanka kale ,Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ku baaqay in lagu xalliyo ismaandhaafka ku saabsan biyo-xidheenka iyada oo la raacayo xamaasada weedha ah catchall, “Xalalka Afrikaanku ku xalliyaan dhibaatooyinka Afrika”.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.