Fana: At a Speed of Life!

kiisaska Covid-19 ee caalamka oo kor u dhaafay 16M.

Addis Ababa Jul 26,2020 (Hamle 19,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Tirada guud ee kiisaska coronavirus ee caalamka ayaa kor u dhaafay 16 milyan maaalinimadan Axada ah, in ka badan kalabadh kiisaska feyraska waxa laga diiwaangeliyay wadamada Mareykanka iyo Caribbean-ka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Kiisaska feyraska ayaa gaadhay 16,050,223 waxaana uu galaaftay nafaha dad lagu qiyaasay 645,184 guud ahaan caalamka.

Mareykanka oo ah dalka ugu daran ee uu sida xun ugu faafay feyrsaku ayaa ila hadda diiwaangeliyay 4,178,021 kiis iyo 146,460 ruux u dhimatay feyraska koroona.

Latin America(koonfur Amerika) iyo Caribbean-ka ayaa dhankooda diiwaan geliyay 4,328,915 xaaladood halka 182,501-na ay ku rawaxeen (ku dhinteen) .Yurub kiisaska  feyraska ayaa maraya 3,052,108  halka 207,734 ay u dhinteen.

Dhanka kale,faafida caabuqa faafa daran ayaaa si xawli ku socota iyada oo bishan julay ee dhammaadka ah la diiwaan geliyay kiisas ka badan 5 milyan oo xaaladood. Taas oo  saddex meelood ka noqonaysa kiisaska la diiwaaan geliyay tan markii uu dillaacay feyrasku.

Geesta kale Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)  ayaa sheegtay in la diiwaan geliyay tiro ka badan hal milyan oo xaaladood shantii maalmood ee la soo dhaafay.iyada oo 24-kii bishan July oo keliya la diwaangeliyay 280,000 oo xaaladood oo coronavirus ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.