Fana: At a Speed of Life!

kiisaska dhimashada feyraska ee adduunka oo dhan oo kor u dhaafay 600,000.

Addis Ababa Jul 19,2020 (Hamle 12,2012 T.I) (FBC/SOMALI)- Tirada dhimashada cudurka coronavirus uu ku dhacay guud ahaan caalamka ayaa gaadhay 601,213, sida ay sheegtay  jaamacadda John’s Hopkins ee diwaangelisa xogaha xanuunkan faafaha ah.

Dhanka kale, tirada kiisaska cudurka ‘coronavirus’ ee adduunka oo dhan ayaa maraysa 14.2 milyan, kuwaas oo in kabadan 7.9 milyan oo qof ay soo kasoo bogsadeen feyraska.

kiisaska dhimashada feyraska ee dalka Mareykanka ayaa kor u dhaaftay 140,000 maalintii Sabtidii iyada oo kiisaska maalin laha ahina  ay ku sii kordhayaan 43 ka mid ah 50-ka gobol maraykanka labadii usbuuc ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay jaamacada Johns Hopkins iyo Reuters.

Tirada kiisaska Mareykanka ee coronavirus-ku uu ku dhacay ayaa hadda maraysa 3.7 milyan qof, iyada oo 1.1 milyan ay soo bogsadeen.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in ay kor u kacdey tirada kiisaska cudurka coronavirus-ka maalintii labaad oo isku xigta, iyadoo wadarta kiisaska cusubi  ay sare ugu kacday 259,848 24kii saac ee u dambeeyay.

Mareykanka, Braziil, Hindiya iyo Koonfur Afrika ayaa noqday waddamada  laga diiwaamgeliyo kor u kaca kiisaska feyraska ee maalin walba.

Dhanka kale,Hogaamiyaasha Midawga yurub ayaa ogolaaday in la kordhiyo qabsoomida shir-madaxeedkooda ilaa maalinta axada kadib markii ay ku guuldaraysteen inay ku heshiiyaan lacag ururin si dib loogu soo nooleeyo dhaqaalahooda coronavirus-ku ragaadiyay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.