Fana: At a Speed of Life!

Kiisaska feyraska Covid-19 ee dalkan Itoobiya oo kor u dhaafay 14,000.

Addis Ababa Jul 27,2020 (Hamle 20,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasaaradda Caafimaadka dalkan Itoobiya ayaa maanta warbixinteedii maalinlaha ahayd ku diiwaangelisay 579 xaaladood oo cusub oo feyraska koroona ah ,24kii saacadood ee la soo dhaafay ka dib markii feyraska laga baadhay 7,009 qof.

Tirada guud ee feyrasku ku dhacay guud ahaan dalka ayaa hadda madaxa la gashay14,547.

Dhanka kale ,Wasaaradda Caafimaadka ayaa diiwaangelisay 5 xaaladood dhimasho ah kuwaaas tirada guud ee dhimashada ka dhigay 228 ruux.

Sidoo kale, waxa feyraska kasoo caafimaaday 170 bukaan oo kale oo u jiifay xanuunka ,kana dhigay tirada guud ee ka bogsatay covid-19 guud ahaan dalka 6, 386.

Ilaa iyo hadda dalkan Itoobiya ayaa baadhitaano sheybaadh oo la xidhiidha  feyraska koroona ku fuliyay 389,348 qof.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.